552 Views

Maamulka G/ Banaadir & Dowladda UK oo ka wada hadlay Areimaha Abaaraha

Maamulka G/ Banaadir & Dowladda UK oo ka wada hadlay Areimaha Abaaraha
____________________________________________________________________________

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (jakeetti) ayaa maanta kula kulantay Safaaradda UK ee Somaliya ku xigeenka safiirka UK ee Somalia Mr. Richard Slack.

Labada masuul ayaa kawada hadlay arrimaha Abaaraha ee ka jira dalka, gaar ahaan dadka cusub ee Caasimadda soo gaaraya sidii ay Dowladda UK gacan uga geysan lahayd taakuleenta Dadkaasi.

Guddoomiye Basma iyo safiirka ayaa isla meel dhigay in la horumariyo Waxbarashada Gabdhaha Soomaaliyeed iyo sidii Dowladda UK uga caawin lahayd Dowladda Hoose ee Xamar horumarinta adeegyada Caafimaadka G.Banaadir.

Kulankaan ayaa kusoo beegamaya xilli saacadihii la soo dhaafay duleedka Magaalada Muqdisho ay soo gaareen dad kasoo barakacay Abaaraha kajira qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post