1143 Views

Cabdikariin Xuseen Guuleed “ Farmaajo iyo fahad dalka Fowdo iyo carqaladaynta Doorashada ayay wadaan haka waan toobaan.

Cabdikariin Xuseen Guuleed “ Farmaajo iyo fahad dalka Fowdo iyo carqaladaynta Doorashada ayay wadaan haka waan toobaan.
____________________________________________________________________________

Isniin: September 27, 2021

Musharixiinta gaar ahaan  Musharrax madaxweyne, Cabdikariin Xuseen Guuleed  ayaa ku eeedeeyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo taliyihii  hore ee NISA in ay dhibaato ku hataan Doorashada ayna gadaal ka hayan dadaalka Raisal Wasaaraha Somaliya Rooble.

Qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan caqabadaha hortaagan hirgelinta doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa ku eedeeyay Mas’uuliyiintaas in ay ka hor dhacayaan doorashada ayna hada wadaan abaabul ka dhan ah Doorashada.

“Hal sano ayaa ka soo wareegatay markii 20-kii Septembar 2020-kii uu baarlamaanka federaalka meel-mariyey heshiiska doorashooyinka dadban. Sanad, kadib doorashadii waxay ku jirtaa hubanti la’aan,” ayuu yiri musharrax madaxweyne Cabdikariin Guuleed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in is jiid-jiidka siyaasadeed iyo caqabadaha taagan uu halis ku yahay amniga iyo dhaqaalaha dalka,  isaga oo shaaciyey inuu mas’uuliyadda qaadayo Farmaajo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post