1158 Views

Sharci ma u maray Farmaajo daraja ka xayuubintii Jeneraal Saadaq Joon Taliyihii booliska Gobolka Banaadir.

Sharci ma u maray Farmaajo daraja ka xayuubintii Jeneraal   Saadaq Joon Taliyihii booliska Gobolka Banaadir.
____________________________________________________________________________

April 15-4-2021

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan darajooyiinka ciidan ka xayuubiyay Saadaq Joon, taliyihii booliska Gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu ka qaaday dhammaan xuquuqdii ciidan.

Saadaq Joon, ayaa Isniintii aanu soo dhaafnay soo saaray amar uu ku sheegayo in uu is hortaagay oo hakiyey kulankii baarlamaanka.

Saadaq Joon, waxaa isla Isniintii laga qaaday xilkii taliyaha booliska Gobolka Banaadir.

Hadaba darajada ka xayuubinta ma loo maray waddadii loo baahnaa?

Daraja ka xayuubinta ee madaxweynaha uu ku sameeyay Saadaq Joon waxaa ka dhashay muran badan.

Qaar ka mid ah dadka aadka ugu xeel-dheer arrimaha ciidamada ayaa dhankooda sheegay in daraja ka xayuubinta “aan loo marin waddadii loo baahnaa ee saxda ahayd”.

Sarreeye guute, Nuur Aadan Nuur, oo horey uga tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in marka sarkaalka laga xayuubinayo darajooyiinka, waddada loo marayo ay ku xiran tahay dambiga uu galay iyo waxa uu yahay.

“Haddii dambi caadi ah uu yahay waxaa laga yaabaa in loo saaro guddi, laakiin guddiga ay isku garaado yihiin am ka sareeyaan. Guddigaasi ayaa baaraya waxayna natiijada iyo soojeedinta u gudbinayaan taliyaha xoogga, haddii uu ku raaco wuxuu u gudbinayaa madaxwaynaha,” ayuu yiri Sarreeye guute, Nuur.

Waxaa uu intaa ku daray in madaxwayne Farmaajo intii uu xilka hayay sidoo kale darajooyiinka laga xayuubiyay taliya ku xigeenkii hay’adda nabad sugidda qaranka, Cabdala Cabdala.

“Intii uu xukunkan jiray tan iyo 2016 labo kiis ayaa na soo martay kiiska hore waxaa uu ahaa Janaraal Cabdalla Cabdlla iyo kiiskaan oo ah Saadaq, ayuu yiri,” Mr Nuur”

Wuxuu intaa ku daray in waddada labaad ee la mari karo ay tahay in guddiga ay kiiska sarkaalka eedeeysan u gudbiyaan maxkamadda militariga.

“Kiiska haddii uu yahay mid maxkamad; militariga waxay leeyihiin maxkamadda; xeer ilaaliye ayay leeyihiin; maxkamadaas ayaa xukun militari markii ay ku riddo ka qaadi karta darajada, ka dib-na madaxwaynaha ayaa saxiixaya, taasina waa haddii kiisku yahay dambi amniga qaran ku saabsan,” ayuu intaa ku daray Mr Nuur.

Sarreeye guute, Nuur Aadan Nuur, ayaa sheegay in hanaan aan sax ahayn loo maray darajada ka xayuubintii dhawaan lagu sameeyay Sadaq Joon.

“Kiiska Saadaq waxay ahayd in labo mid la sameeyo in guddi ay u saaraan oo ay nidaam mariyaan ama in ay xiraan oo maxkamad u diraan,” ayuu yiri Mr Nuur.

Halista daraja ka xayuubinta

 

Nuur Aadan Nuur, oo ka tirsanaa ciidamada, ayaa xusay in qofka sarkaalka ah in darajada laga xayuubiyo aysan ahayn mid sahlan, ayna haboon tahay in qaab kala dambeyn ciidanka wax loo dhammeeyo.

“Saadaq oo kale waxaa loo baahnaa in xitaa haddii uu haystay billad ay billadda ka qaadaan oo darajadiisa u dhaafaan. Daraja ka xayuubinta waxay burburinaysaa kala dambeynta ciidanka.”

“Ciidanka darajadiisa ciyaar ma ahan. Ciidanku waa in uu kala dambeeyaa,” ayuu intaa ku daray Sarreeye guute, Nuur Aadan Nuur.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in darajo ka xayuubinta ay tahay arrin u baahan in laga fiirsado.

“Darajada xayuubinteeda waa wax adag laguma degdegi karo,” ayuu intaa ku daray.

Waa kuma Saadaq Joon

 

Saadaq Joon, oo magaciisa oo saddexan yahay Saadaq Cumar Xasan ayaa ku dhashay deegaan ka tirsan dhulka Soomaali Galbeed ee dalka Itoobbiya. Saadaq ayaa la sheegaa in uu horraantii 1993 uu usoo wareegay Muqdisho, isaga markii danbena 2002 ugasii gudbay dalka Kenya kaddibna dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ka sii aaday London. Waxaana uu dalka dib ugusoo noqday sannadkii 2014.

Markii uu dalka dib ugusoo laabtay waxa uu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin taliyaha NISA ee Galmudug, sida oo kalena sannadkii 2017-kii loo magacaabay taliyaha nabadsugiddaiyo sirdoonka qaranka ee gobolka Banaadir.

Taliyihii hore ee haayadda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, oo ay soo wada shaqeeyeen muddo dheer Saadaq Joon ayaa ku qeexay in uu yahay nin hawl kar ah, oo shaqadiisa sida ugu habboon uga soo baxa.

“Waa nin aaan saaxiib ahayn oo aan si dhaw usoo wada shaqaynay laga soo bilaabo London, tan iyo intii aan madaxda u ahaa. Waa nin aan u xushay geesinnimo, hawlkarnimo, hawsha aad u dirtana ka soo dhalaali kara. Waa nin madaxda ka sarraysana daacad u ah shaqada aad u dirtana aan qabyaynaynin, go’aan qaadashadiisuna fiicnayd”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhawr jeer Warbaahinta ka weeraray Saadaq Joon, waxaana xusid mudan in muddo ka hor uu Dowladda Turkiga ku dhaliilay laba wajiilenimo, ka dib markii ay billad sharaf guddoonsiiyay Saadaq John, oo uu ku eedeeyay gacan ku dhiigle dilay shan ka mida ilaaladiisa, xilligaas oo la weeraray hoygiisa.

Saadaq ayaa lagu beddelay taliyihii ciidanka Harimacad, Farxaan Qaroole oo noqonaya Taliyaha cusub ee ciidanka booliska ee gobolka Banaadir.Waxaa qoray Ahmed Bada

BBC Somali

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post