3525 Views

Qofki lagu bedeli lahaa Nicholas Kay oo la ogaaday.

Qofki lagu bedeli lahaa Nicholas Kay oo la ogaaday.
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 23, 2015 — Warar cusub ee soo baxay, ayaa sheegaya in ninka bedeli-doono Nicholas Kay, lagu magacaabo  Michael Keating, oo ah Diblomaasi u dhashay Wadanka Ingiriiska kuna dhashay magaalada Kampala, ee dalka Uganda sanadkii 1959.

Intii u dhaxaysa 2011 iyo 2012, Keating waxa uu kasoo shaqeeyay dalka Afghanistan, isagoo ahaa ku xigeenka Ergayga QM ee dalkaasi, wuxuuna ka shaqeeynanayay arrimaha Dib U heshiisiinta, Doorashada iyo nabad kusoo celinta dalkaasi. Keating wuxuu Agaasiime ka soo noqday Chatham House. Keating ayaa la wareegaya Xafiiska, xilli Somalia ay galayso xaaladda siyaasadeed oo aad u dhib badan, oo ku soo adan doorashooyinka sanadka2016.

Nicholas Kay wuxuu Xafiiska UNSOM madax ka noqday June 2014, wuxuu markaasi bedelay Augustine Mahiga oo u dhashay dalka Tanzania kaasi oo madax ka ahaa UNPOS xilligii KMG. Mr Kay ayaa kahor inta uusan noqon Ergayga QM ee Soomaaliya, waxa uu soo noqday Safiirka Dowladda Ingisriiska ee dalalka Sudan & Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Congo.

Dalka Afghanistan ayuu sidoo kale kasoo shaqeeyay 2006 ilaa 2007, isagoo noqday Madaxii dib u dhiska Gobolka Helmand ee Koonfurta dalkaasi Afghanistan. Waxa ay u badantahay in Keating uu la kulmo arriman ka dhib badan howlihi uu ka haayay Afghanistan.

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment