672 Views

Mahdi Guuleed oo ku guuleystay kursigii ugu horreeyey ee Golaha Shacabka doorasho ka dhacday xarunta dugsiga tababarka.

Mahdi Guuleed oo  ku guuleystay kursigii ugu horreeyey ee Golaha Shacabka  doorasho ka dhacday xarunta dugsiga tababarka.
____________________________________________________________________________

isniin: November 1, 2021

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku guuleystay kursigii ugu horreeyey ee Golaha Shacabka, kadib doorasho ka dhacday xarunta dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Kaahiye.

Mahdi Guuleed ayaa ka adkaaday Marwo Mushtaaq Ibraahim Yuusuf, wuxuuna ku soo baxay codad aad u badan, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee gobollada waqooyi.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa helay codad dhan 97 cod, halka musharixii la tartameysay ay heshay saddex cod oo kaliya, sidoo kale waxaa xumaaday hal cod.

Natiijada soo baxday iyo guusha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa aheyd mid hore loo sii saadaalinayey oo la filayey, maadaama uu isagu keensaday gabadha la tartameysay.

Offci Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post