3180 Views

Ciidamada ammaanka oo saaka Muqdisho ku qabtay gaari Qarax siday

Ciidamada ammaanka oo saaka Muqdisho ku qabtay gaari Qarax siday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 10, 2016: Ciidamada ammaanka ayaa maanta oo Talaado ah ku qabtay agagaarka Isgoyska Sayidka gaari walxaha qarxa lagu soo raray, maalin kadib markii qarax xoogan lagu weeraray Xarun ay leeyihiin Ciidamada Nabadgalyada wadooyinka ee loo yaqaan Traffiko.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in gaarigan ay ku raad-joogeen, ayna hayeen xogtiisa, waxaana saaka la xiray qeyb ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, si saraakiisha miino baarista ay u kala fur furaan gaariga qaraxa ku rarnaa.

Lama sheegin cid loo qabtay gaarigaas, hase ahaatee goob joogayaal ayaa sheegay in la dhigay meel ku dhow goob ciidamada booliska ku leeyihiin bar koontarool ay dadka ku baaraan.

Beryihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay gaadiidka waxyaabaha qarxa sida ee ay ciidamada ammaanka gacanta ku dhigayeen, iyadoo saraakiisha ay sheegeen in la doonayo in shacabka lagu dhibaateeyo magaaladana qalqal loo geliyo.

Maalintii shalay ayay aheyd markii illaa lix ruux ay ku geeriyoodeen qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta Ciidanka Taraafikada, waxaana qaraxaas sheegatay inay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment