831 Views

Maamulka G/Banaadir oo faah faahiyey qaraxa dhacay

Maamulka G/Banaadir oo faah faahiyey qaraxa dhacay
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 08, 2020—Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha Guud ee ka dhashay qaraxa Maanta ka dhacay Bar-Koontorool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya kaas oo ku yaalla Isgoyska Sayidka ee Magalada Muqdisho.

 

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan Dheere ayaa sheegay in Gaariga uu ahaa mid lagu soo dhejiyey waxyaabaha qarxa balse uusan aheyn mid laga soo buuxiyey,hayeeshee uusan shaacin qofka watay Gaarigaas.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in xilliga garaiga uu qarxayey uu ku jira safka baarista,isla markaana ay ku geeriyoodeen Saddex ruux Lix kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaas,iyaga oo sheegay inay khasaaro ku gaarsiiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka,sidoo kalena uu sababay burbur hantiyadeed.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment