786 Views

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence oo qaatay talaalka covid-19

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence  oo qaatay talaalka covid-19
____________________________________________________________________________

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, Mike Pence, ayaa isaga oo telefishanka toos looga daawanayo la talaalay, waxaanu dhakhaatiirta iyo dad weynaha daawanayey ba ku yiri “wax dhib ah maan dareemin”.

Aqalka Cad ayaa sheegay in ujeedadu ahayd in “dadweynaha lagu dhiirri geliyo bedqabka talaalka iyo waxtarkiisaba oo sidoo kale loogu muujiyo in aanu dhibaato keenayn”.

Waxa sidoo kale iyagoo telefishanka toos looga daawanayo la talaalay Pence afadiisa iyo dhakhtar ku takhasusay qalliinka guud oo la yidhaa Jerome Adams.

Maalinta Isniinta ay ayaa guud ahaan ba dalka Maraykanka laga bilaabi doonaa talaalka ay soo saartay shirkadda Pfizer/BioNtech.

Dr Maxamed Cabdillaahi Xaaji oo ka hawl gala isbitaalka Regional ee ku yaal gobolka Minnesota ayaan khadka telefoonka kula xidhiidhay oo aan weydiiye waxa kelifay in madaxweyne xigeenku isaga oo toos telefishanka looga daawanayo uu talaalka qaato.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post