1728 Views

Kenya oo Markale ku celisay in ay xirayso Xeryaha Dhadhaab

Kenya oo Markale ku celisay in ay xirayso Xeryaha Dhadhaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 05 February 2019 –Dowladda Kenya ayaa markale ku dhawaaqay in ay xirayso Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, ka dib markii ay kordheen falal Amnidaradda ee ka dhaca Gudaha dalka Kenya, kuwaasoo ay geystaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Hay’addaha Ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in tilaabaddaan ay timid ka dib markii dadkii dhawaan weeraray Hoteelka Dusit 2 ee Magaalada Nairobi ay kasoo galeen dalka Kenya dhanka Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

Waxa ay sidoo kale  sheegeen in Waraaqaha Al-Shabaab ay kusoo galaan dalka Kenya in laga sameeyo xeryaha, taasina ay qatar ku tahay Ammaanka guud ee dalka Kenya.

2017-kii Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday inay joojisay go’aankii horey ee dowladda dalkaasi ku xiraysay xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

Qaadi lagu magacaabo John Matibo ayaa sheegay inay diideen go’aankii horey ugu dhawaaqay Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery, kaas oo ku saabsanaa in la xerayo Xeryaha Dhadhaab.

Xeryaha Dhadhaab waxaa ku sugan qaxooti badan oo Soomaaliyed, kuwaasi oo qaarkood dhowaan dalkooda dib ugu soo laabtey, kadib markii loo sheegay in la xirayo xeryahaasi.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment