2094 Views

Baarlamaanka Puntland oo laalay mooshin ka dhan ahaa DPWorld

Baarlamaanka Puntland oo laalay mooshin ka dhan ahaa DPWorld
____________________________________________________________________________

Garowe | QOL | August 27, 2018 –  Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta diiday mooshin ka dhan ahaa sharikadda DPWorld ee maamusha Dekadda Magaalada Boosaaso.

Mooshinkan oo ay bartamihii bishan Baarlamaanka horgeeyeen Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka ayaa waxaa ay DPWorld ku eedeeyeen in aysan waxba ka qaban dekadda Boosaaso oo ay la wareegtay sanadkii 2016kii.

Kulanka Xildhibaannada Maanta oo ay xaadireen 33 Xildhibaan oo ka mid ah 66ka Xildhibaan ee Baarlamaanka ayaa waxaa mooshinka diiday 23 ka mid ah halka 10 Xildhibaan ay oggolaadeen in Mooshinka sii socdo.

Afhayeenka Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in mooshinkii ka dhanka ahaa DPWorld sidaas lagu laalay islamarkaana uusan jirin mooshin ka dhan ah sharikadda Imaaraadka.

Baarlamaanka Puntland ayey shaqadiisa ku egtahay 31ka September 2018,waxaana kaddib la gelayaa ololaha doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Puntland oo la kala qabanayo Bilaha December iyo January.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment