912 Views

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo loo doortay Mustafe Muxumed Cagjar 5 ee soo socota.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo loo  doortay Mustafe Muxumed Cagjar  5 ee soo socota.
____________________________________________________________________________

Isniin: October 18, 2021

 Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dib loogu doortay Mustafe Muxumed Cagjar oo ismaamulka hoggaaminayey saddex sano ee lasoo dhaafay, kadib markii xilka laga qaaday, lana xiray Cabdi Maxamuud Cumar.

Cagjar ayaa ku soo baxay codad aqlabiyad leh, kadib markii ay cod gacan taag ah ugu codeeyeen xildhibaanada baarlamaanka ee dowlad deegaanka.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ayaa markale hoggaamin doono dowlad deegaanka Soomaalida shanta sano ee soo socota, sida uu shaaciyey baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa madaxweyne ku xigeenka ismaamulka Soomaalida ee fadhigiisu yahay Jigjiga loo doortay Ibraahim Cusmaan Faarax.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post