3249 Views

Micheal Keating oo shaki geliyay waqtiga doorashada

Micheal Keating oo shaki geliyay waqtiga doorashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 10, 2016: Micheal Keating Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaki ka muujiyay in doorashada Soomaaliya inay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, isagoo caddeeyay in Beesha Caalamka aanay aqbali doonin khilaaf siyaasadeed oo sababa dib u dhac doorasho, nooca ay doonto ha ahaatee.

Danjiraha oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa qiray in dib u dhaca ku yimid jadwalkii doorashada ay aheyd in Hoggaamiyeyaasha ay dhameystiraan nidaamka doorashada, isagoo rajo ka muujiyay in dhowrka bilood ee soo socota ay doorasho dalka ka dhici doonto.

“Waxaa aad u muhiim ah in si dhab ah loo raaco jadwalka doorashada, balse hadii ay jiraan sababo farsamo oo dib u dhac keeni kara sida ugu wanaagsan, ayaa la rabaa in loo raaco”ayuu yiri Danjire Micheal Keating.

Waxaa kale uu sheegay in Beesha Caalamka iyo ururada bulshada rayidka aanay aqbali doonin dib u dhac dambe oo ku timaada doorashada.

“Beesha Caalamka iyo ururada bulshada rayidka ma aqbali doonaan khilaaf siyaasadeed oo sababa din u dhac aan waqtigiisa la ogeyn inuu doorashada ku yimaado”ayuu yiri Micheal Keating.

Hoggaamiyeyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa shir albaabada u xiran oo wali aan wax natiijo ah laga gaarin ku leh magaalada Muqdisho, iyadoo ay soo baxayaan kala aragti duwanaan u dhaxeysa Madaxda oo ku aadan nidaamka loo marayo doorashooyinka, kaas oo an wax dan ah ayna ku jirin bulshada Soomaaliyeed.

Doorashada oo loo qorsheeyay inay dhacdo 30 bisha October ayaa dad badan shaki gelinayaa in xilligii loogu tala galay ku dhacdo. Arrinta waxa ay u egtahay in madaxda Wada-tashiga iyo musharraxiinta ay dad an waxba isdhaamin oo uun doonayo in ay dhulka iyo badaba ay iibsadaan; taas oo an ahayn marki ugu horraysay.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment