Ciidamada Booliska Soomaaliyeed , ayaa maanta waxa ay raashin u qaybiyeen dadka abaarta ay saameysay ee ku sugan duleedka Magaalada Muqdisho.
Deeqda dadkaasi ay u qaybiyeen ciidamada Booliska, ayaa waxa ay isugu jirtay bariis,,timir, Sonkor saliid,bacaha roobabka, sijaayado Iyo baasto.
Ciidamada Booliska ee deeqdaasi qeybiyay ayaa waxaa hogaaminayay Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Muqtaar Xuseen Afrax isaga oo sheegay in ay had iyo jeer aysan ka hagran dooni walaalahood wax ay ka rooyihiin shacabkan uu baaq ugu dirayo sidii ay wax u soo gaar siin lahaayeen
W/Q:BASHIIR BARRE ALI
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________