927 Views

Xuska maalinta caalamiga ah ee 8- Marso oo looga dabaal degay meelo badan oo caalamka iyo Soomaaliya kamid ah

Xuska maalinta caalamiga ah ee 8-  Marso oo  looga dabaal degay meelo badan oo caalamka iyo Soomaaliya kamid ah
____________________________________________________________________________

8-da Marso 2021

Xuska maalinta caalamiga ah ee sideedda Maarso ayaa maanta looga dabaal degay meelo badan oo caalamka iyo Soomaaliya kamid ah, munaasabad maalintaas lagu weynaynayay oo Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul Insaanka XFS.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay wasiir ku xigeenka wasaaradda Haweenka ahna ku simaha wasiirka, wasiir ku xigeenka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, ururada haweenka, hal-doorka dumarka ee u ololeeyay xaqiijinta qoonddada dumarka ee 30% iyo marti sharaf kale.

Hal ku dhegga sanadkan ee xuska maalinta 8 Maarso ayaa ah, hogaamiyeyaasha haweenka waa in ay ku guuleystaan mustaqbal loo siman yahay iyadoo dunida la dagaalamayso cudurka COVID-19.

Mas’uuliyiintii ka qeybgashay xuska maalinta caalamiga ah ee sideedda Maarso ayaa waxay u hambalyeeyeen haweenka Soomaaliyeed ayagoo si gaar ah carrabka ugu adkeeyay ilaalinta qoonddada dumarka ee 30% ee baarlamaanka federaalka ku leeyihiin, sidoo kale waxaa laga hadlay wacyigelinta safmarka coronavirus.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post