1404 Views

Guddoonka Golaha Shacabka Oo Ka Hadlay Dilkii Loo Geystay Xildhibaan Boqore

Guddoonka Golaha Shacabka Oo Ka Hadlay Dilkii Loo Geystay Xildhibaan Boqore
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 23, 2019–Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Cilmi Boqore oo ay gacan ka xaq daran ku dishay Magaaladda Muqdisho,waxaana uu Alle uga baryay in naxriista jano uu ka waraabiyo Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iimaan ka siiyo.

“Innaa Lillaah Wa Innaa Illeehi raajicuun waxaan ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Boqore oo ay gacan ka xaq daran dishay Rabi naxriistiisa haka waraabiyo ehelkiisa iyo guud ahaan umada Soomaaliyeedna Samir iimaan Allaha haka siiyo.

Gudddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaan uu ahaa AUN muwaadin jecel Dowladnimada Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlayay magacayga iyo kan guud ahaan golaha Shacabka waxaan qirayaa Allaha ha u naxriistee marxuumka Inuu ahaaa qof Cibaado badan,dadka mar walba wanaaga fara, qof dowaldnimada jecel iyo sidoo kale oday Soomaaliyeed oo ay ka go’antahay in Dalkeena uu horumar gaaro”

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa rajo ka muujiyay in hay’adaha amaanka ay gacanta kusoo dhigi doonaan gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay Dilka Allaha u naxriistee Xildhibaanka ,wuxuuna hay’adaha ugu baaqay in ay baaraan cidii ka dambeysay dilka Xildhibaana.

Ugu dambeyna waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay hay’adaha nabad galiyada kala shaqeeyaan sugida amaanka.

Sidoo kale Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore oo ay kooxo arxan laabaya ku dileen Magaaladda Muqdisho

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment