651 Views

Suudaan oo dib u furtay xudduuda ay la wadaagto Itoobiya

Suudaan oo dib u furtay xudduuda ay la wadaagto Itoobiya
____________________________________________________________________________

Isniin: July 18, 2022

Suudaan ayaa dib u furtay marinka xudduuda ah ay la wadaagto Itoobiya kadib markii ay xirtay bishii lasoo dhaafay iyadoo Itoobiya ku eedeysay inay dishay 7 kamid ah ciidamada dalkaas.

Guddiga farsamada ee golaha amniga iyo gaashaandhigga Suudaan ayaa sheegay in xudduuda la furay kadib markii madaxda Suudaan iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in colaadda la joojiyo.

Golaha amniga iyo gaashaandhigga ayaa intaa ku daray in ciidamada ay xoojinayaan howlgallada lagu sugayo amniga xudduudda si ay uga hortaggaan kooxaha hubeysan ee kasoo tallaaba halkaas.

Hoggaamiyaha militeriga Suudaan Janaraal Cabdel Fataax Al Burhan iyo Ra’iisul Wasaraaha Itoobiya ayaa dhawaan ku kulmay magaalada Nairobi iyagoo ku heshiiyay in lasoo afjaray dagaalkii ka taagnaa xudduuda.

Xuduudka Gallabat ayaa la xiray 27-kii Juun ka dib markii Suudaan ay ku eedeysay Itoobiya in ay dishay 7 askari.

Suudaan waxay wacad ku martay inay qaadeyso tallaabo ka dhan ah dilka ciidamadeeda halka Itoobiya ay beenisay inay laaysay askarta.

Suudaan iyo Itoobiya waxaa in muddo ah ka dhex taagnaa muran ku saabsan lahaanshaha dhulka beeraha qaniga ku ah ee Al Fashaqa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post