327 Views

Gen. Odowaa oo ka hadlay dagaalkii Xawaadley iyo Waxa laga Gudboon DF Somalia

Gen. Odowaa oo ka hadlay dagaalkii Xawaadley iyo Waxa laga Gudboon DF Somalia
____________________________________________________________________________

.

 
Talaado: January 17, 2023

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerar ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah oo saaka Alshabaab ay ku qaadeen saldhigga ku yaalla deegaanka Xawaadley ee gobolka Sh/ Dhexe.

Odowaa ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalka ay iska caabiyeen weerarka uga yimid Shabaab,  wuxuu tilmaamay in la dilay 21 xubnood oo ka tirsanaa xoogagii weerarka ku soo qaaday saldhigga deegaanka Xawaadley, kadib dagaal culus oo ka dhacay halkaasi.

Taliyaha Xoogga dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa qiray in dhankooda laga dilay illaa 5 askari oo uu ku jiro Taliyihii Guutada 3-aad, Qaybta 27-aad ee milatariga Soomaaliya Korneel Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqey) oo maamulayey saldhigga la weeraray.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in ciidamada dowladda ay weli ka wadaan halkaas howlgal ay ku baadi goobayaan xubnihii weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab.

Dhinaca kale warara soo sheegay in xoogaga weerarka qaaday ay gudaha u galeen saldhigga, ayna qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal.

Hadaba maxaa kala gudboon  DF Soomaaliya kadib marka deegaanada laga xoreeyo  ?

1- Wejiga koowaad oo ah guluf dagaal oo gacanta fallaagada looga bixinayo goobaha ay haystaan (Xorrayn).

2- Wejiga labaad oo ah gacan ku haynta goobaha laga xorreeyay fallaagada (Xajin).

3- Wejiga saddaxaad oo ah dhismaha maamulka garsoorka, hay’addaha amniga, deegaanka iyo bixinta adeegga asaasiga ah ee bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada, si ay bulshadu u dareemaan neecawda nabadda iyo in ay fallaagadii ka raysteen (Xasillin).

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post