726 Views

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka oo 34 xubnood ka saaray liiska

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka oo 34 xubnood ka saaray  liiska
____________________________________________________________________________

 June 6  2021

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan.

Dhawaan ayaa markii middowga musharaxiinta waxay ra’iisul wasaare Rooble usoo gudbiyeen ilaa iyo 67 qof oo ay siyaabo kala duwen uga cabanayeen, kuwaas oo qaarkood la sheegay inay ka tirsan yihiin dhaqaalaha dowladda, ciidanka iyo qaar siyaasisiin ah ama ay ku eedeenayeen in ay dhexdhexaad aheen.

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa ku dhawaaqay in 34 qof oo ka mid ah xubnihii la soo magacaabay ay baaritaan dheer kadib ay saameen ku yeesheen eedeentii la soo jeediyay ayna u kala direen maamul goboleedyadii soo magacaabay iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay.

Guddiga ayaa sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah ay ku soo magacaabaan xubnihii badali lahaa 34 taas qof ee uu guddigu soo gudbiyay.

Guddiga xaqiijinta ayaa la filayaa inay dhowaan si rasmi ah u shaaciyaan magacyada xubnaha 34-ka ah ee guddiga laga saaray.

Sidoo kale  xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa la sugayaa inay ka falceliyaan go’aanka ay guddiga xaqiijinta kusii daayeen 33 ka mid ah xubnihii ay cabashada ka keeneen, mana cadda inay aqbali doonaan iyo inay mar kale kala hadli doonaan ra’iisul wasaare Rooble.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post