1116 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen oo dib ugu laabtay magalada Baydhabo

Madaxweynaha Koonfur Galbeed   Laftagareen oo dib ugu laabtay magalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

Axad: October 31, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

laftagareen ayaa intii uu ku sugnaa degmada Xudur waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay, Maamulka degmada Xudur, Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale waxaa uu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xooga dalka qeybta 60aad iyo Ciidamada AMISOM, isaga oo kala hadlay dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweyne Cabdi Casiis lafatagareen ayaa la filayaa in Magaalada Baydhabo uu uga qeyb galo kulamo looga hadlayo dardar gelinta howlaha amniga iyo doorashooyinka.

Office Nairobi Kenya


_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post