978 Views

Biyo yaraan baahsan oo laga digay inay dunida wajihi doonto sanadaha soo socda

Biyo yaraan baahsan oo laga digay inay dunida wajihi doonto sanadaha soo socda
____________________________________________________________________________


Talaado: October 5, 2021

Ururka caalamiga ah ee biyaha ayaa ka digay xasarad biyo oo guud ahaan dunida ka dhici karta taas oo lala xiriiriyay isbeddelka cimilada.

Wuxuu ururuku ku qiysaay in wixii loo gaaro sanadka 2050-ka ay in ka badan kala bar bulshada adduunka aysan heli doonin biyo ku filan ugu yaraan muddo bil ah.

Ururka WMO ayaa sheegay in dhibaatada helidda biyaha lala xiriirinayo abaaraha iyo daadadka, oo galaaftay nolosha xoolaha isla markaana saameyn ba’an ku yeeshay bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah.

Ururka ayaa dowladaha ugu baaqay inay isku dhafaan siyaasadahooda cimilada iyo biyaha ayna iska kaashadaan maamulka biyaha. Wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay maalgashiyo badan oo lagu sameeyo hannaanka ka digista daadadka iyo abaaraha.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post