1251 Views

SAWIRO: Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Nairobi

SAWIRO: Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 27, 2019 —Inta la xaqiijiyay Labo qof ayaa ku dhaawacan tahay Qarax ka dhacay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Magaalada Nairobi ayaa saakay Warbaahinta u xaqiijiyay in Qaraxa uu ka dhacay goob laga raaco gaadiidka oo ku taala Bartamaha Magaalada Nairobi.

Qaraxa ayaa ahaa Miinadda nooca dhulka lagu Aaso, waxaana la sheegay in hal mar ay qaraxday si weyna looga maqlay Xaafaddaha qaar ee Magaalada.

Inta badan howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka ayaa Saaka ka socda Magaalada Nairobi.

Dhawaan ayay aheyd markii dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen hotel ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayna halkaasi ku dileen ku dhawaad 21 qof

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment