576 Views

Dad badan oo ku dhintay shil ka dhacay duleedka Garowe

Dad badan oo ku dhintay shil ka dhacay duleedka Garowe
____________________________________________________________________________

Sabti: January 29, 2022

Inta la xaqiijiyey 6-qof ayaa ku geeriyootay ugu yaraan 3-kalena waa ku dhaawacmeen shil gaari oo goordhow ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Salaamo iyo Libaaxo oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Dhaawacyadii dadkaas waxaa loo qaaday isbitaallada magaalada Garowe.

Dadkaas waxaa u gurmaday oo goobta uu shilku ka dhacay gaaray masuuliyiin ay ka mid yihiin, guddoomiyaha gobolka Nugaal, Taliyaha qaybta booliska gobolka iyo saraakiil ka socota ciidanka ilaalada wadooyinka ee Taraafikada.

Shilalka noocaan ayaa aad ugu badan deegaanada Puntland, waxaana inta badan loo sababeeyaa xirfada wadayaasha gaadiidka oo aan xakameyn xawaaraha ay ku socdaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post