1272 Views

Galmudug Oo Amaro Culus Dul Dhigtay Gaadiidleyda Ka Howlgasha Deegaanada Maamulkaas

Galmudug Oo Amaro Culus Dul Dhigtay Gaadiidleyda Ka Howlgasha Deegaanada Maamulkaas
____________________________________________________________________________

Galmudug | QOL | Maarso 14, 2019 –  Taliyaha Ciidanka ilaalada Waddoyinka Taraafikada ee maamulka Galmudug  Daahir Maxamed Warsame ayaa amaro culus dhul dhigay wadayaasha gaadiidka ee ka howlgala deegaanada Maamulkaas.

Taliyaha Ciidanka Taraafikada Galmudug aya sheegay in ay kordheen shilalka gaadiidka ee dhacay bishaan oo kaliya kuwaas oo si gaar ah uga dhacayay gudaha magaalada Cadaado,isaga oo shaaca ka qaaday in ay kala darnaayeen khasaaraha ay geysteen shilalkaas.

Waxa uu sheegay magaalada Cadaado in ay ka dhaceen 6-Shil oo mid ka mid ah ay ku dhaawacmeen laba qof inkasta oo uu sheegay in ay fududaayeen dhaawacyada soo gaara, Shilka 7-baad ayuu tilmaamay in uu ka dhacay degaanka Godinlawe kaas oo ay ku dhintay hal qof Sexed kalana ay ku dhaawacmeen.

Ugu dambayntii Taliyaha Ciidanka ilaalada Waddooyinka Galmudug  Daahir Maxamed Warsame ayaa digniin u diray wadayaasha gaadiidka isaga oo ugu baaqay in ay u hogaansamaan Shuruucda Waddooyinka,waxaana uu cadeeyay in darawal aan heysan Sharciga kixeynta gaadiidka in ay qaadanayaan masuuliyadda dhibta dhacda haddi kalana ay qaataan Leesinada Sharcigana ay u hogaansamaan.

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment