762 Views

Taalibaan oo ogolaatay inay dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Iran kala shaqeyso amniga gobolka

Taalibaan oo  ogolaatay inay dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Iran kala shaqeyso amniga gobolka
____________________________________________________________________________


khamiis: October 21, 2021

Taalibaan ayaa Arabacdii ogolaatay inay dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Iran kala shaqeyso amniga gobolka, kadib markii Kremlin-ka uu ka digay halisaha kooxda Daacish iyo ka ganacsiga daroogada.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa ka mid ahaa dalalka ugu dhow Taalibaan tan iyo markii ay dib u qabsatay Afghanistan bishii August, halka Iran ay leeyihiin xuduud.

Baaqan ayaa kasoo baxay shir ka dhacay Moscow oo ay ka qeyb-galeen dalalkii horey uga tirsaan Midowga Soviet ee xuduudda la leh Afghanistan, Shiinaha, Ruushka iyo Iran.

Intii ay socdeen wada-hadallada oo ay goobjoog ka ahaayeen 10 dal ayaa waxaa lagu baaqay gargaar bani’aadaminimo oo deg deg ah oo lala gaaro Afghanistan.

Waxay sidoo kale dalalkaas dalbadeen in dalalkii dhowaan ciidamada kala baxay Afghanistan ee NATO ay maal-geliyaan dib u dhiska dalkaas.

Wada-hadallada ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ka digay in kooxda Daacish ay isku urursaneyso Waqooyiga Afghanistan si ay kala qeybsanaan dhanka qowmiyadaha iyo diimaha ugu baahiso dalalkii horey uga tirsanaa Midowga Soviet.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergei Lavrov oo ka hadlay shirka ayaa cambaareeyey maqnaanshaha saraakiisha Mareykanka, isaga oo sheegay in Daacish iyo Al-Qacida ay isku dayayaan inay ka faa’iideystaan dal-daloolada amni ee Afghanistan.

Kahor wada-hadallada Moscow, wakiilada Taalibaan ayaa la kulmay saraakiisha Midowga Yurub iyo Mareykanka, waxayna u safreen Turkiga, si ay u helaana aqoonsiga iyo taageerada beesha caalamka, balse waa ay kusoo hungoobeen.

AFP VOA

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post