909 Views

Galmudug oo ka hadashay dabkii Magaalada Dhuusamareeb

Galmudug oo ka hadashay dabkii Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 13 2020–Waxaa lagu Guuleystay in la damiyo Dab ka kacay Kaalin Shidaal oo ku taala Magaalada Dhusamareb ka dib markii uu Dabku ka dhashay Booyad Kaalinta Shidaal ku shubaysay , Goobtaan oo ku taala Bartamaha Magaalada Dhusamareb ayaa waxaa u soo Gurmada Ciidamada Booliiska, Nabab Sugida, Milatariga iyo Bulshada Magaalada.

Taliyaha Booliiska Qaybta Galmudug General Bishaar Abshir Geedi ayaa ka warbixiyey sida loogu Gurmaday Goobtaan Dabku uu ka kacay waxa uuna sheegay inuusan gaysan wax Qasaare nafeed ah.

Gudoomiayaha Magaalada Dhusamareb Macalin C/raxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow oo Goobta gaaray ayaa waxa uu xusay in Magaaladu si deg deg ah ugu Baahan tahay Dab-damis si loogu badbaadiyo Qasaaraha Nuucaan oo kala ah.

Dabkan ayaan ku fidin Goobaha ka ag dhow halka uu markii hore qabsaday taasina waxaana lagu sameeyey ka hortag iyo damin mana jiraan wax Qasaare Nafeed ah oo uu gaystay marka laga reebo Burburka Hantiyadeed.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post