1107 Views

Muxuu yahay gaariga dahabka ah ee muranka ka dhaliyay Holland?

Muxuu yahay gaariga dahabka ah ee muranka ka dhaliyay Holland?
____________________________________________________________________________

Sabti: January 15, 2022

 

Boqorka Netherlands Willem-Alexander ayaa ku dhawaaqay in qoyska boqortooyada Holland ay joojin doonaan isticmaalka gaariga dahabiga ee taariikhiga ah, kaddib markii ay dood ka dhalatay.

Dadka qaar ayaa sheegaya in dhinac ka mid ah gaariga uu farasku ku sawiran yahay, oo lagu magacaabo De Gouden Koets, lagu xardhay sawir lagu taageerayo xilliyadii gumeysiga dalkaas.

Gaarigan oo aan ilaa sanadkii 2015 la isticmaalin, ayaa waxaa caadi ahaan qoyska boqortooyada lagu geyn jiray furitaanka baarlamaanka.

Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli ay dalkaasi ka socoto dood ku saabsan taariikhda gaarigaas.

Sawirka lagu muransan yahay ee gaariga ayaa waxaa loogu magac daray Xushmad loo Muujinayo Dalalka la Gumeystay, wuxuuna muujinayaa dadka madow iyo Aasiyaanka- oo midkood uu jilba jabsaday – isla markaana uu badeecooyin ay ka mid yihiin kakaawada iyo qasab siinayo haweeney caddaan ah oo fadhisa, taas oo mataleysa Netherlands.

Dhinaceeda waxaa fadhiya nin buug siinaya wiil yar, kaas oo ninka sawirkaas xardhay ee Nicolaas van der Waay, uu sanadkii 1896 sheegay in looga gol leeyahay in lagu muujiyo haddiyadda “ilbaxnimada” ee Netherlands ay siineyso dalalka ay gumeysatay.

Muuqaal uu si rasmi ah ugu dhawaaqayo tallaabadan, ayaa Boqor Willem-Alexander wuxuu garwaaqsaday in gaariga uu meel ka dhac ku yahay dad badan wuxuuna bulshada dalkaasu ugu baaqay inay si wada jir ah u wajahaan cawaaqibta taariikhdooda gumeysi.

“Wax micno ah malaha in la cambaareeyo amaba la laalo wixii dhacay,” ayuu yiri.

“In si fudud loo mamnuuco waxyaabo iyo calaamado iyaduna maaha xalka. Taas beddelkeed, dadaal weyn ayaa loo baahan yahay kaas oo baaxad weyn leh muddo dheerna socda. Dadaal ina mideynaya intii uu ina kala qeybin lahaa.

“Intiiba ay jiraan dad ku nool Netherlands oo maalin walba dareemaya xanuunka takoorka, wixii tegay weli way ina daba socon doonaan,” ayuu intaas ku daray.

Gaariga ayaan dhowr sano la isticmaalin wuxuuna yaallay Madxafka Amsterdam tan iyo intii mashruuca dheereynta gaarigaas la soo gabagabeeyay sanadkii tegay.

Dadka ka dhiidhiya takoorka ee ku nool Netherlands ayaa soo dhoweeyay tallaabada, balse waxay boqorka ugu baaqeen inuu qaado tallaabo dheeri ah oo lagu wajahayo cawaaqibta gumeysiga.

“Wuxuu sheegay in wixii tegay aan lagu saleyn maanta,” ayuu yiri Mitchell Esajas, oo wax ka aasaasay xarunta Keydadka Madow ee Amsterdam.

“Waxaan u maleynayaa taasi waa wax aan jirin sababtoo ah addoonsiga waxaa loo arki karaa dembi ka dhan ah bani’aadannimada wuxuuna meel ku dhac ku yahay dowlandimada.”

Sanadihii la soo dhaafay, dad badan oo Holland u dhashay ayaa ku baaqayay in dalkaasi uu qiimeyn ku sameeyo taariikhdiisii hore ee gumeysiga.

Qarnigii 17-aad dalka Netherlands ayaa dhul ballaaran ka qabsatay gobollada haatan loo yaqaanno Indonesia, Koofur Afrika, Curaçao iyo West Papua, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay ganacsiga addoonsiga.

Sanadkii la soo dhaafay, duqa magaalada Amsterdam, Femke Halsema, ayaa si rasmi ah raalligelin uga bixiyay doorkii ay magaaladu ku lahayd ganacsiga addoonsiga.

Tallaabadan ayaa ka duwan tan Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Mark Rutte, oo diiday baaqyada ku aaddan in dalkaasi uu bixiyo raalligelin rasmi ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post