735 Views

Laftagareen oo dib ugu laabtay Baydhabo iyo doorasho ka bilaabaneysa

Laftagareen oo dib ugu laabtay Baydhabo iyo doorasho ka bilaabaneysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 12, 2021—Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa maalmahaan Muqdisho ka waday kulamo lagu dhex-dhexaadinayo Madaxda Dowladda, Midowga Musharixiinta & Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland oo isku khilafsan arrimaha doorashooyinka.

Wararka qaar ee laga helay socdaalka deg dega ahaa ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Maamulka Koonfur Galbeed uu noqon doono Maamulkii ugu horreeyay ee bilaaba doorashada Aqalka Sare.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in weli Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu wado dadaalada xal raadinta ah, isla markaana uu la xiriiray Madaxweynayaasha jubbaland & Puntland oo aad uga soo horjeeda sida ay Xukuumadda Soomaaliya u wajaheyso arrimaha doorashhoyinka.

Maalmaha ka hor Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble oo ay garab taag naayeen Madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in la bilaabayo hirgelinta doorashooyinka, isla markaana an waqtiga lagu dhumineyn Shacabka Soomaaliyeed, iyada oo hadalkaas ay kasoo horjeesteen Midowga Musharixiinta Mucaaradka.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post