744 Views

Wasiirka Duulista Hawada oo la kulmay Safiirka Kenya ee Somaliya kalana hadlay safarada Nairobi iyo Muqdisho

Wasiirka Duulista Hawada oo la kulmay Safiirka Kenya ee Somaliya kalana hadlay safarada Nairobi iyo Muqdisho
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 29, 2021

Waxaa magaalada Muqdisho ku kulmay Wasiirka Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax iyo  Safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Danjire Lucas Tumbo .

Wararka ayaa sheegaya in Kulanka uu daarnaa xaalada socdaalka labada dal ay muwaadiniintooda iskaga kala gooshaan Nairobi iyo Muqdisho. Taasi oo mudooyinkii la soo dhaafay soo hagaagaysay.

Labada mas’uul ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in la ballaariyo wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dowladood si loo dhowro sharafta iyo madax banaanida labada dal.

Sidoo kale Kulanka ayaa ku soo beegmay xilli diyaaradaha dagaalka Kenya dad rayid ah ku duqeeyeen degaanno ka tirsan Gobolka Gedo islamarkaana aysan jirin weli cid ka hadashay.

Office Nairobi kennya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post