1221 Views

Jubbaland oo Aqbashay Shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland

Jubbaland oo Aqbashay Shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Khamiis   , March 19, 2020 —Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbadda Hose waxaa Maanta ka qabsoomey shirkii todobaadlaha ahaa ee golaha Wasiirada jubbaland,kaas oo todobaadkaan looga hadlay qodobo dhowr ah.

 

Kulanka oo uu shir guddoomiyey Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Dowlad goboleedka Jubbaland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane C/qaadir Xaaji Maxamuud ayaa golaha waxaa ay ku tageereen qodobadii kasoo baxey Shirkii wadatashiga Puntland ee 17-kii Bishaan lagu soo geba-gabeeyey Magaalada Garoowe.

 

 

 

Sidoo kale Golaha ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen shirkii shirka wadatashiga ah ee uu Madaxweynaha Puntland ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada dalka.

 

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland C/nuur Cali Aadan oo Akhriyey qodobadii kasoo baxay Shirkaas ayaa sheegay in Golaha ay sidoo kale cambaareyeen faragelin uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ka wada gobolka Gedo,waxaana uu sheegay in dhibaatadii ka dhalata ay qaadi doonaan Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyn Golaha wasiirada Jubbaland oo ka hadlay xaalada Caafimaad ee deegaananda Jubbaland ayaa waxaa ay guddi ka kooban wasiirro u magacaabeen la socoshada xaaladaha caafimaad ee deegaannada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment