996 Views

Yuusuf Garaad”Dadka ila soo xiriirey Ogaada aniga xil kama qaban Galmudug”

Yuusuf Garaad”Dadka ila soo xiriirey Ogaada aniga xil kama qaban Galmudug”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | isniin, March 9, 2020 —Wasiirkii hore ee arrimahada Dibadda Soomaaliya Siyaasiga Yuusuf Garaad Cumar xalayna guddoomiye looga dhigey Guddiga qaban qaabada Xaflada Caleema saarka Madaxda Galmudug ayaa ka hadlay mowqifkiisa Shaqada loo igmadey iyo dad badan oo dhaliilo ka muujiyey Shqada loo dhiibey.

 

Yuusuf Garaad waxaa uu sheegay in uu aqbalay Shaqada uu u doortey Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor,,isla markaana isaga oo eegaya baahida loo qabo in Siyaasada Xasisha si Shacabka iyo Siyaasiyintooda ay u midoobaan uu tixgeliyey soo jeedinta Madaxweynaha Galmudug.

 

“Aniga oo xeerinaya baahida ay Soomaaliya u qabto in ay siyaasaddu xasisho, oo fursad kasta oo suurta gal ah looga faa’iideysto in siyaasiyiinta dhexdooda iyo shacabka iyo siyaasiyiintuba ay is fahmaan isuna soo dhowaadaan, isla markaana tixgelinaya soo jeedinta Madaxweynaha Galmudug oo inkasta oo aan mar ka wada tirsaneyn Xukuumadda aynaan mar kasta isku ra’yi ahayn, ogna in uu og yahay in aan taageeray murashax kale, waxaan aqbalay howsha uu ii xilsaaray oo ah qabanqaabada munaasabadda caleema saarka ayuu yiri”Yuusuf Garaad.

 

Waxaa uu sheegay in uu u mahad celinayo Madaxweynaha Cusub ee Galmudug ee Shaqadaasi u igmadey,isla markaana uu rajeynayo in uu si wanaagsan uga soo bixi doono waajibaadka loo xil saarey.

 

Sidoo kale Siyaasiga Yuusuf Garaad waxaa uu sheegay in dad badan ay lasoo xiriireen oo ay tallooyin u soo jeediyeen uuna qaatay balse uu u sheegayo in isaga uusan Galmudug ka qaban wax xila ah.

 

“Talooyin aan arkay iyo saxiibbada qaar ila soo xiriirayba, waxaan leeyahay adinka oo aad ugu mahadsan qaddarinta aad ii heysaan, ogaada anigu Xil kama qaban Galmudug, Ma ihi mana rabo in aan noqdo nin iskala weyn in uu dadkiisa iyo dalkiisa u adeego. ayuu sii raaciyey hadalkiisa.”Yuusuf Garaad.

 

Saacadihii la soo dhaafay ayaa markii Yuusuf Garaad looga dhigey guddoomiye Xubnaha Guddiga qaban qaabada Caleema saarka Madaxda Galmudug oo ka kooban 13 Xubnood ayaa waxaa jiray dad siyaabo kala duwan u fasirayay balse uu sheegay in uu diyaar u yahay ka Shaqeynta howlsha loo dhiibay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment