2712 Views

Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Ahmed oo kulmay

Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Ahmed oo kulmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 2, 2018 –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa saaka ku kulmay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Waxa ay ka wada hadleen ahmiyadda uu Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) u leeyahay Gobolka iyo sidii ay dalalka Geeska Afrika uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha maalgashiga ee haatan jira.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Axmed ayaa adkeeyay in isdhexgalka dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika uu horseedayo koboc dhaqaale, maalgashi shisheeye iyo xasillooni buuxda oo ay qeyb qaataan dhammaan dalalka gobolka.

farmayo-aby-1

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment