1677 Views

Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 6, 2018, 2018 —Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Soos ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax xooggan lala eegtay Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwo AMISOM,waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidanka AMISOM ayaa la sheegay in Qaraxa ka dib ay fureen Xabado, waxaana la sheegay in ku dhawaad 4 qof ay ku dhinteen.

Xaalad kacsan ayaa ka taagan goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay in  mid ka mid  gawaarida Ciidanka AMISOM uu soo gaaray burbur.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment