3480 Views

UK oo Soomaaliya ka taageereysa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

UK oo Soomaaliya ka taageereysa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  21 August 2017 — War kasoo baxay safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Soomaaliya waxaa looga hadlay safaro uu wasiirka dawlada Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Africa Rory Stewart ku yimid magaalooyinka Muqdisho iyo Hargaysa.

Warkaan waxaa lagu sheegay in wasiirku uu magaalada Muqdisho kula kulmay madax ka tirsan dawlada Soomaaliya sida R/wasaaraha iyo ku xigeenkiisa iyo wasiiro ay ka mid yihiin wasiirka, gaashaandhiga, kan amniga, iyo wasiirka qorshaynta waxaana uu kala hadlay arrimo la xariira amniga iyo horumarka ay laga gaaray sugida amaanka.

“UK waxay diyaar u tahay inay dawlada Soomaaliya kala shaqayso sugida amaanka iyo horumarka arrimaha bulshada ee la gaarayo waxaana door wanaagsan ka qaadanaynaa xoojinta dhaqan galka go’aanada shirkii London ka dhacay” ayuu yiri wasiirka arrimaha Africa ee dawlada Britan Rory Stewart

Wasiir Stewart waxaa uu xusay inuu ku amaanayo dawlada Soomaaliya horumarka ay ka samaysay dhanka amaanka iyo dagaalka lagula jiro Xarakadda Al-Shabab.

Sidoo kale warkaan kasoo baxay safaaradda Ingiriiska oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Radio Kulmiye waxaa lagu sheegay wasiirku markii uu tagay magaalada Hargaysa uu la kulmay xubno ka tirsan maamulka Somaliland iyo qeybaha bulshada waxaana uu kala hadlay in doorashada madaxtinimada ee Somaliland ka qabsoomaysa bisha November ee sanadkaan ay u dhacdo si cadaalad ah oo madax banaan.

Wasiirkaan xukuumadda Ingiriiska ka tirsan waxaa uu usoo jeediyay dawlada Fedaralka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ay sii wadaan wadahadaladii horey ugu socday.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment