1386 Views

Rooble oo ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka Jubbaland.

Rooble oo  ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka Jubbaland.
____________________________________________________________________________

Arbaco: Luly 7 2021

Wararka ka imaanaya saakay Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Wafdi uu Hogaaminayo  Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ay ku sii jeedaan halkaas.

Wararka ayaa sheegaya in wafti hordhac u ah ra’iisul wasaaraha ay gareen Gudaha Kismaayo, Waxaana lagu wadaa in Rooble uu gaaro Kismaayo saacadaha soo socda.

Sidoo kale waxaa haatan socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta waftiga ra’iisul wasaaraha oo saacadaha soo socda gaari doono halkaasi.

Sidoo kale Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee ku yaal magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post