378 Views

Bulshada Garoowe oo looga digay inay ku milmaan colaad beeleedyo ka dhacay deegaanka Saaxi Maygaag.

Bulshada Garoowe oo looga digay inay ku milmaan colaad beeleedyo ka dhacay deegaanka Saaxi Maygaag.
____________________________________________________________________________

Talaado: January 4, 2022

Guddoomiyaha Gobalka Nugaal iyo Taliyaha qaybta Booliska Gobalka oo si wada jir ah baaq Nabadeed uga diray Colaadii Saaxo Maygaag, isla markaana digniin u diray cid kasta oo isku dayda khal khal galinta Amniga iyo Shaqaaqo ka dhacda Gudaha magaalada Garoowe.

Shir Jaraaid oo ay si wada jir ah u qabteen Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cawil Maxamud Xasan iyo Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Nugaal Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayna goob joog ka ahaayeen Saraakiisha Amniga Gobalka ayay Baaq nabadeed ugu direen Beelaha walaalaha ay ee ay dirirtu ku dhexmartay deegaanada Saaxo Maygaag iyo Sanga Jabiye tilmaamayna in nabadda la qaato xal waarana laga gaaro colaadani.

Taliye Xuseen ayaa dhanka kale ku booriyay Bulshada Gobalka Nugaal, gaar ahaan Caasimadda Puntland ee Garoowe ka shaqaynta nabadda iyo in laga fogaado wax kasta oo abuuri kara amni daro iyo shaqaaqo wada jira.

Cawil Maxamuud Xasan Guddoomiyaha Gobalka Nugaal ayaa dhankiisa Nabad ku baaqay bulshada caasimadana uga digay falal ka qayb qaadan kara hurinta colaad beeleedyada.

Xaaladda deegaanka Saaxo Maygaag oo ay shalay ku dagaalameen Beelo walaalo ah oo halkaas wada daga ayaa laga soo sheegayaa daganaansho, waxaana ku baxay deegaanadaasi Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Cismaan Cilmi Karash iyo Isimo kala duwan oo xal doonayaal ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post