705 Views

Mareykanka oo amar ku bixiyay in dib loo baaro weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Sanadkii hore saldhigga ciidanka milatariga Manda Bay ee gobolka Lamu

Mareykanka oo amar ku bixiyay in dib loo baaro weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Sanadkii hore saldhigga ciidanka milatariga Manda Bay ee gobolka Lamu
____________________________________________________________________________

April 13-4-2021

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa isniintii shalay ahayed amar ku bixiyay in dib u eegis lagu sameeyo baaritaanka weerarkii maleeshiyada Al-shabaab ay ku qaaday saldhigga ciidanka milatariga Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya, halkaas oo lagu dilay sadex qof oo Mareykan ah.

maraykanka-oo-baaritaan-ku-sameynaya-weerarkii-lagu-qaaday-saldhiga-manda-Qoraal ka soo baxay Pentagon-ka ayaa lagu shaaciyay go’aanka xoghayaha difaaca, hase yeeshee xogheysntiisa warfaafinta John Kirby ma aanu caddeyn waxyaabaha uu Austin u arko inay ka maqanyihiin nuxurka baaritaankii horudhaca ahaa.

“Dib-u-eegis madaxbannaan iyo qiimeeyn guud ayaa bixin doonta macluumaad iyo tusaalooyin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdan nadinta leh” ayuu yiri Kirby.

Xoghaye Austin oo sidoo kale daah-furay dib u eegis ballaaran oo lagu sameynayo muqaalka guud ee ciidamada Mareykanka ayaa safar ku maraya qaaradda Yurub, halkaas oo uu kulamo gooni-gooni ah kula qaadan doono taliska ciidamada Mareykanka ee Yurub.

“Dib-u-eegistan waxaa soo dhoweeyay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee USAFRICOM iyagoo sii wadaya inay ka shaqeeyaan guud ahaan qaaradda Afrika si ay u horumariyaan amniga una hirgeliyaan casharradii laga bartay weerarkan” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka xoghaye Austin.

Saldhiggan oo ku yaal dhul xeebeedka loo dalxiiska tago ee Kenya ayaa waxaa soo weeraray 30-40 maleeshiyada gacansaarka la leh Alqaacida ee Al-shabaab 5-tii Janaayo 2020, wuxuna ahaa weerarkii ugu horreeyay ee Al-shabaab ku beegsato ciidanka Mareykanka ee ku sugan waddanka Kenya.

Duqeymaha sii kordhaya ee Mareykanku ka geysto gudaha Soomaaliya ayaa Al-shabaab lagu bartilmaameedsadaa.maraykanka-oo-baaritaan-ku-sameynaya-weerarkii-lagu-qaaday-saldhiga-manda-

bMadaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sanadkii hore amar ku bixiyay in Soomaaliya laga saaro ku dhawaad 700 oo ciimadamada Mareykanka ah, iyadoo inta badan ciidankaasna laga laga saaray bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan, waxaana sida laga soo xigtay saraakiisha hadda Soomaaliya jooga wax ka yar 100 askari oo Mareykan ah.

Xigasho

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post