309 Views

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo booqday dekedaha kala duwan ee dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo booqday dekedaha kala duwan ee dalka Jabuuti
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah oo saddex cisho ah ku jooga waddanka Jabuuti ayaa maanta booqday dekedaha kala duwan ee Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu soo wareejiyay dekedaha kala duwan, iyada oo la tusiyay qeybaha ay ka kooban yihiin iyo saldhigga ay ka baxaan tareenada qaada badeecadaha ka soo dega dekeddaha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa booqday xarunta isgaarsiinta dowladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii kormeerka ay ku jireen la tusiyay xarunta laga maamulo khadadka internet-ka ee mara badda iyo qeybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay.

Xamse ayaa ku ammaanay hey’adda iyo maamulkeeda horumarka joogtada ah ee lagu wado isgaarsiinta dalka Jabuuti.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post