2112 Views

Abwaan Baarleex oo loo qaaday caafimaad dalka dibaddiisa ah

Abwaan Baarleex oo loo qaaday caafimaad dalka dibaddiisa ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 14, 2018 – Abwaan Cabdullaahi Xirsi Baarleex ayaa saakay loo qaaday dalka Turkiga si looga soo daweeyo xanuun dhanka wadnaha ka hayay mudooyinkii ugu dambeeyay

Abwaanka oo katirsanaa hal abuurkii qaranka Soomaaliyeed ee aadka u soo caan baxay sanadihii todobaatatanaadkii ayaa isaga oo aad u xanuunsan waxaa laga keenay magaalada Hargeysa ee xarunta gobalka Waqooyi Galbeed halkaas oo uu ku dayacnaa,iyada oo aysan waxba u qaban maamulka dagaankaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya MD Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa bixiyay kharashka Ku baxaya dhamaan adeegyada caafimaad ee bukaanka Abwaan Cabdullaahi Xersi Baarleex waxaana saakay loo duuliyay Wadanka turkiga si loogu soo daweeyo isagoo horayna ay u sii raaceen xubno ka tirsan qoyskiis

Abwaan Cabdullaahi Xirsi baarleex ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo Gacanta gargaar ee uu siiyay wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney usoo duceeyaan.

abwaan-2 abwaan-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment