909 Views

Shil gaari oo khasaaro geystay oo ka dhacay G/Karkaar

Shil gaari oo khasaaro geystay oo ka dhacay G/Karkaar
____________________________________________________________________________


Isniin: April 4, 2022

Wararka ka imaanaya degaan lagu magacaabo Yakayeeka oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland, ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay shil gaari oo geystay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhawaac.

Inta la xaqiiyay laba qof ayaa ku geeriyootay, halka afar kalena ay dhaawacmeen, kadib markii ay isku dhaceen saakay laba gaari oo kuwa xamuulka qaada ah.

Goobta uu shilka gaari ka dhacay, waxaa gaaray daqiiqado kadib ciidanka ilaalada wadooyinka Puntland, kuwaas oo goobta ka qaaday dadkii ku dhaawacmay shilka, iyagoo gaarsiiyay goobaha Caafimaad.

Deegaano ka tirsan Gobolka Karkaar waxaa marar badan ka dhaca shilal geysta khasaaro u badan dhimasho gaar ahaana kuwa gaadiidka kuwaas oo u muuqda in ay sii kordhayaan sababo la xiriira waddooyinka oo ah kuwa aan dhismo iyo dayactie helin muddo dhowr sanadood ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post