321 Views

Guddoomiyaha degmada Wardhiigley oo Amaro dhanka amniga ah ku soo rogtay dadweynaha ku dhaqan degmada Wardhiigley

Guddoomiyaha degmada Wardhiigley oo Amaro dhanka amniga ah ku  soo rogtay dadweynaha ku dhaqan degmada Wardhiigley
____________________________________________________________________________

Axad: October 9, 2022

 

Guddoomiyaha degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir Saynab Maxamuud Warsame (Saynab Xaabsey) ayaa amaro dhanka amniga ah ku soo rogtay dadweynaha ku dhaqan degmadaas. 

Gudoomiye Saynab Xaabsey ayaa dadka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee degmada Wardhiigley ku amartay in aysan guryahooda ka kirayn karin qof aanan soo marin hannaanka diiwaan-gelinta ee ay sameeyaan hay’adaha amniga dowladda.

“Qof aan soo marin habraaca loogu talagalay guri lagama ijaari karo”. ayey tiri guddoomiye Saynab Xaabsey.

Sidoo kale waxay sheegtay in ay jiraan dad loo xilsaaray arrintan islamarkaana ay daba-gal  sameyn doonaan si loo hubiyo dhaqan-galka go’aanka ay soo saartay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post