945 Views

Donald Trump oo ku ammaaney dowladda Nigeria sida ay ugga manuucday dalkeeda Twitter-ka

Donald Trump oo  ku ammaaney dowladda Nigeria sida ay ugga manuucday dalkeeda Twitter-ka
____________________________________________________________________________

 June 9 2021

 Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa ku ammaaney dowladda Nigeria sida ay ugga manuucday dalkeeda Twitter-ka, ka gadaal markii shirkaddu ay tirtirtey qoraal uu soo galiyey Madaxweyne Muhammadu Buhari.

Trump ayay ka xireen labada shirkadood ee Twitter-ka iyo Facebook-ga bartii uu ku lahaa dagaladooda, ka gadaal markii kooxo mudaaharaadaya ay galeen aqalka congress-ka bishii January.

Qoraaladii uu soo galinayey baraha bulshada ee labadan shirkadood, ayaa loo aaneeyey kicinta iyo qarbudaada ay geysteen kooxihii galey Congress-ka.

Trump ayaa intaa raaciyey in shirkadahan aaney kala saari karin waxa xun iyo waxa wanaagsan, isagoo ku tilmaamey Twitter-ka iyo Facebook-ga (Sheydaamo).

Wuxuu ku booriyey dalalka kale in sidan oo kale ay u mamnuucaan shirkadaha Facebook iyo Twitter-ka, maadaama aaney oggoleyn shirkadahan xoriyadda hadalka.

 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post