1149 Views

Dowladda oo Ciidamo dheeraad ah geysay Dhuusamareeb

Dowladda oo Ciidamo dheeraad ah geysay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-26–2019 –Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah oo ah kuwa sida gaarka u tababaran geysay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug si ay qeyb uga noqdaan qorshaha xaqiijinta Ammaanka Dhuusamareeb.

 

Ciidankaan ayaa kala yimid Muqdisho iyo Gaalkacyo waana ciidanka sidda gaarka u tababaran sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga.

 

 

 

Horay Magaalada Dhuusamareeb waxaa loo geeyay Ciidamo badan oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Booliska ee sidda gaarka ah u tababaran.

 

Ahlusunna ayaa dhankeeda Magaalada ka wadda Hub Aruursi iyo abaabul Ciidan,maadaama labada dhinac ay doonayaan in ay hirgaliyaan qorshahooda doorashada Galmudug.

 

Dadka Magaalada ayaa sheegay in Ciidamada Ahlusunna iyo dowladda ay kusoo daabulayaan magaalada ay ku abuurtay Cabsi weyn.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment