336 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo galabta gabaldhicii soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo galabta gabaldhicii soo gaaray  Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 10, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhoweeyay Wasiiro, Xildhibaanada labada aqal ee BFS, Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, xubno labada gole ee Dowladda Hirshabeelle, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Shirkaad ayaa lagu wadaa in looga hadli doono arrimaha amniga iyo abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post