1128 Views

Ciidamo la kala dhex-dhigay laba Maleeshiyo Beeleed oo dagaalamay

Ciidamo la kala dhex-dhigay laba Maleeshiyo Beeleed oo dagaalamay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 11 2021Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa xiisad colaadeed laga dareemayay degaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo dhawaan dagaal geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ku dhex-maray laba maleeshiyo Beeleed.

Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta degaanka Xananbuure geystay Ciidamo isugu jira  Gorgor , Booliis iyo Nabad sugida Galmudug, iyaga oo kala dhex-galay labada maleeshiyo beeleed ee uu dagaalka dhex-maray.

Xildhibaano & Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tegay degaanka Xananbuure, iyaga oo ku guuleystay inay kala qaadaan maleeshiyaadka ishor-fadhiyay, waxaana socda dadaalo kale oo lagu xalinaayo colaad beeleedaas.

Wasiirada & Xildhibaannada ka socda dowladda Soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah la leh Odayaasha & waxgaradka degaanka xananbuuro si xal loogu helo colaad beeleeda ka jirta degankaas.

Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Halmudug kusoo kordhay colaad beeleedyada iyo weerarada ay fulinayaan Al-Shabaab, iyada oo Madaxda Galmudug aysan qaadin wax tallaabo ah marka laga reebo howlgallo aan badneyn oo ay sameeyaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post