675 Views

Golaha wakiillada Somaliland oo dib ugu celiyay madaxweyne Muuxe Biixi Cabdi, 14 wasiirro iyo ku-xigeenno

Golaha wakiillada Somaliland oo dib ugu celiyay madaxweyne Muuxe Biixi Cabdi, 14 wasiirro iyo ku-xigeenno
____________________________________________________________________________

Axad: January 2, 2022

Golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta dib ugu celiyay madaxweyne Muuxe Biixi Cabdi, 14 wasiirro iyo ku-xigeenno isugu jira kuwaas oo goluhu sheegay in ay dhaafeen muddadii loogu talo-galay in Goluhu ku ansixiyo.

Madaxweyne Biixi ayaa haysta fursad uu dib ugu soo magacaabi karo wasiirradaasi amaba uu kuwo cusub ugu soo gudbin karo baarlamaanka.

Golaha wakiilladuna waxay sheegeen iyaga oo ka duulayo qodbbada 53-aad iyo 114-aad iney qaateen go’anka ay dib ugu celiyeen madaxweynaha mas’uuliyiinta uu soo magacaabay.

“Mas’uuliyiin 14 ah uu madaxweynuhu magacaabay 2-dii bishi 9-aad si kastaba ha u dhacdo waxaynu soo ogaannay 13-kii bishii 12-aad marki aan la tashannay golayaasha xagga sharciga annaga oo shuruucda dalka ixtiraameyno waxaan go’aansannay in madaxweynaha dib loogu celiyo oo wuxuuna xaq u leeyahay inuu dib u soo magacaabo xubni ama uu baddalo, inti waafaqday waxaan u gudbinnay guddiyadi xaqa u lahaa” ayuu yiri gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif.

Dhanka kale guddiga dabagalka hantida qaranka ee baarlamaanka Somaliland ayaa warbixin uu maanta soo bandhigay waxaa lagu sheegay in hanti badan laga lunsaday miisaaniyaddii 2020-ka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post