2397 Views

Somaliland Oo Raadineysa Fure isgaarsiineed oo ka duwan 252

Somaliland Oo Raadineysa Fure isgaarsiineed oo ka duwan 252
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 14, 2018 – Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta C/Wali C/llahi Suufi ayaa sheegay in kaddib xilka cusub ee loo magacaabay uu ku dadaalayo in Somaliland hesho fure dal isgaarsiineed oo aan ahayn midka 252 ee ay leedahay Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu raadinayo furaha Boostada iyo midka Simcard-ka,sida uu sheegay waxaana uu intaas ku daray in shaqada uu wasaaraddiisa qabanayo ay noqoneyso in uu Maamulka Somaliland u helo furo Taleefan oo madaxbanaan.

Waxaa uu Wasiirku sheegay in qorshahiisa ugu weyn yahay in Somaliland aysan waxba la wadaain Soomaaliya dhinaca isgaarsiinta.

Waxaa uu ka hadlayay kulankii shalay Golaha wakiillada SOmaliland ay codka kalsoonida ku siinayeen qaar ka mid ah Wasiirrada uu magacaabay Muuse Biixi Cabdi oo uu isaga ka mid ahaa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment