855 Views

Mareykanka oo sheegay in Al-Shabaab kordhiyeen weerarada xilli lagu jiro waqti doorasho

Mareykanka oo sheegay in Al-Shabaab kordhiyeen weerarada xilli lagu jiro waqti doorasho
____________________________________________________________________________

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb, Larry André ayaa ku eedeeyay madaxda Soomaalida in ay ka dambeeyaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay amni darrada kajirta dalka, isagoo xusay in tani ay abuurtay jawi ay kordhiyaan weerarada Al-Shabaab.

André ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta gudaha ku sheegay in Al-Shabaab ay ka faa’ideysaneyso loolanka siyaasadeed si ay u xoojiso weerarada argagaxisada ah ee ay ka geysaneyso dalka.

“Al-Shabaab way ka xoog badan yihiin sidii hore. Waxay leeyihiin dardar waxayna wadaan weerarka. Waxaan aragnay tan sannadkii la soo dhaafay iyadoo qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay doorteen inay siyaasadda ka hormariyaan sidii Soomaalida looga difaaci lahaa dilalka, baadda iyo dembiyada kale ee kooxdan,” ayuu yiri dublamaasiga ugu sarreeya Mareykanka ee Soomaaliya.

Danjire André ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay dhinac iska dhigaan khilaafaadkooda, isla markaana u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

“Waxaan ka codsaneynaa dhammaan madaxda Soomaaliya inay dib u cusboonaysiiyaan go’aankooda ku aaddan hoos u dhigista awoodda al-Shabaab ee weerarrada iyo in Soomaaliya laga dhigo meel aad u ammaan badan,” ayuu safiirku hadalkiisa ku daray.

Hadalkiisa ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay sii kordheen weerarada ay Al-Shabaab ka geysanayaan Caasimadda Muqdisho iyo Gobollada kale ee dalka. Kooxda ayaa weeraro toos ah ku qaaday doorashada oo ay ku bartilmaameedsanayaan ergada iyo saraakiisha doorashada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post