756 Views

Ciidamada AMISOMee Uganda oo ku wareejiyey ciidanka xoogga dalka saldhigga Maryan Gubaay

Ciidamada AMISOMee  Uganda  oo  ku wareejiyey ciidanka xoogga dalka saldhigga Maryan Gubaay
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 23 2021  

Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda, ayaa maanta ku wareejiyey ciidanka xoogga dalka saldhigga Maryan Gubaay, kaasoo kuyaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Soomaaliya, hataan wixii ka danbeeya ammaanka saldhigani waxaa sugi doona ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Xafladan kala wareejinta saldhiga, ayaa waxaa kasoo qeyb galey guddoomiyaha gobolka ShabeelahaHoose Cabdulqaadir Siidii, iyo sidoo kale guddoomiyaha degmada Baraawe Ibraahim Cabdulnuur, oo ah halka uu ku yaallo saldhigani.

Ciidanka xoogga dalka ayaa maalmihii uggu danbeeyey ka wada dhaqdhaqaaqyo balaaran gobolada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaalya, iyagoo dagaallo badan oo ay la galeen dagaal yahanada al-Shabab ku sheegtay iney goobo badan kala wareegeen al-Shabab.

Ciidamada AMISOM ayaa qeyb ka ah dagaalka ay ciidanka xoogga dalka kula jiraan dagaal yahanada al-Shabab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post