1038 Views

Dowladda Soomaaliya oo bilaawday qeybta labaad ee tallaalka COVID19

Dowladda Soomaaliya oo bilaawday qeybta labaad ee tallaalka COVID19
____________________________________________________________________________

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya  ayaa shaacisay in dalka oo dhan  laga bilaabay qaadashada qeybta labaad ee tallaalka ka hortagga cudurka Covid 19.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in la adkeeyo wacyigelinta ku aadan adkeynta nadaafadda,gaar ahaan qaadashada af-xirka iyo kala fogaanshaha dadka.

Qoraalkaan ayaa lagu xusay in dadka aan weli qaadan taallaalkii qeybtii hore loo diyaariyay tallaal cusub oo lagu magacaabo Sinoofam,kaas oo WHO ay u  aqoonsatay in loo isticmaali karo ka hortagga Covid 19.

“ Sida Dadweynaha Soomaaliyeed ay wada ogsoonyihiin Tallaalka ka hortagga cudurka COVID-19 waa laba jeer, sidaa awgeed Wasaaradda Cafimaadka waxey dadki horeyu qaatay Tallaalkii 1aad ee cudurka Covid-19 ku wargelinaysaa in dhamaan dalka oo dhan laga bilaabay bixita Tallaalkii 2aad (Dooska Labaad), sidaas awgeed waxaa dadwaynaha lagu boorinayaa inay tagaan xaruumaha caafimaad ee loo asteeyay inay ka qaataan tallaalka 2aad (Dooska Labaad) ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in  mudnaanta koowaad ee qaadashada tallaalkaan la  siinayo Shaqaalaha Caafimaadka, Macalimiinta, Ciidamada, Shaqaalaha Dowladda Hoose,llaallada Kontroolada laga soo galo ee Dalka, dadka da’dooda ka sareyso 50 sano lyo dadka qaba cudurada raaga sida Macaanka, Dhiig Karka, Wadno Xanuunka, kalyahaXunuunka

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya  ayaa horay dalkau keentay tallaalka COVID-19, waxana qaatay kumanaan Ruux oo ku nool Magaaada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post