1065 Views

NISA oo Muqdisho ku dishay 12 xubnood oo Argagixisada ka tirsanaa

NISA oo Muqdisho ku dishay 12 xubnood oo Argagixisada ka tirsanaa
____________________________________________________________________________


khamiis: December 2, 2021

Qoraal kooban oo hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay ku baahisay barteeda Twitterka ayaa lagu shaaciyey in 12 xubnood oo ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab ay caawa Muqdisho ku dileen ciidamada ammaanka.

“Howlgal gaar ah ayaa caawa lagu beegsaday 15 sargaal oo  Maafiyada AS u qaabilsanaa  khalkhal-gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho. Waxaana ku dhintay 12 kamid ah Argagixisada. Waa waajib qaran  ilaalinta amniga iyo bedbaada umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Oraalkaan laguma kala cadeyn in la qabtay iyo inay baxsadeen 3-dii xubnood ee kale, maadaama bartilmaameedku ahaa 15 xubnood oo ka tirsanaa Nabadiidka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post